Klopp oo cadeeyay sababta Xherdan Shaqiri uusan ugu soo bilaaban kulamada Liverpool

(Liverpool) 22 Sab 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay sababta Xherdan Shaqiri uusan ugu soo bilaaban kulamada kooxdiisa.

Xherdan Shaqiri ayaa ka soo dhaqaaqay Stoke City suuqii xaggaaga, laakiin ilaa haatan wuxuu ku dhibtoonayaa inuu boos ka helo Liverpool.

Tababare Klopp ayaa sheegay in Shaqiri uu sameeyay wax walba oo u suurogalin karay inuu boos joogto ah helo balse wuxuu cadeeyay in qalad ka dhacay isaga dartiis uu u fadhiyo keydka.

“Waa laacib aad u fiican, ma ahan kaliya bandhigiisa laakiin waa shaqsiyada uu ku dhex leeyahay qolka labiska” ayuu yiri tababare Klopp.

“Dhamaan waala jecel yahay Xherdan Shaqiri waliba isaga oo aan ciyaarin kulamo badan, in uusan ciyaarin daqiiqado badan ma ahan qaladkiisa ee waa aniga qaladkeyga”.

“Wuxuu sameeyay wax walba oo uu ku heli karo boos joogto ah, go’aamo kala duwan ayaan qaatay balse waqtigiisu waa uu imaanayaa, taasina waa hubaal”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close