RASMI: Manchester City oo heshiis cusub ka saxiixatay Sergio Aguer

(Manchester) 21 Sab 2018. Manchester City ayaa heshiis cusub ka saxiixatay ciyaaryahankeeda xulka qaranka Argantina Sergio Aguero, kadib bandhigii wanaagsanaa uu ka soo sameeyay Sky Blues xiliyadii lasoo dhaafay.

Laacibkan reer Argantina ayaa heshiiskiisii hore ee kooxda Manchester City wuxuu gaarsiisnaa ilaa iyo sanada 2020, laakiin wuxuu soo dhaweeyay inuu saxiixo sanad kale ee dheeri ah ee ilaa iyo 2021.

Aguero ayaa yimid Manchester City xagaagii 2011, wuxuuna kaga soo biiray Atletico Madrid, taasoo ka dhigeysa in Emirates Stadium uu ku qaadan doono mudo dhan 10 sano, kadib marka uu soo idlaado heshiiskiisa.

“Waan ku faxsaahay inaan u saxiixo Manchester City sanad kale ee dheeri ah, waa midaan xeenayay inaan halkan ku qaato mudo dhan 10 sano, hada waxaan kusoo qaatay mudo 7 sano ah, waana sababta aan u saxiixay heshiiskan cusub”.

Dhinaca kale agaasimaha ciyaaraha ee kooxda  Manchester City Txiki Begiristain ayaa isna faxad ka muujiyay heshiiska cusub uu saxiixay Sergio Aguero.

“Waxaan ku faraxsanahay heshiiska cusub uu saxiixay Sergio Aguero, waa xidig muhiim inoo ah, tan iyo markii uu yimid Emirates Stadium xagaagii 2011”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close