“Luka Modric waa kan ugu fiican aduunka”… tababaraha kooxda Bayern Munich Niko Kovac

(Bayern) 21 Sab 2018. Tababaraha kooxda Bayern Munich Niko Kovač ayaa u sharaxay Luka Modric inuu ku guuleysan doono abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican aduunka ee FIFA..

Luka Modric ayaa kula dagaalami doono abaal marinta The Best 2018 xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah.

“Codkeyga wuxuu aadi doonaa Luka Modric wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto abaal marinta FIFA ee ciyaaryahanka ugu fiican aduunka”.

Dhinaca kale tababaraha kooxda Bayern Munich ee Niko Kovač ayaa wuxuu ka hadlay ciyaartoyda kooxdiisa kahor kulanka ay kooxda Schalke kula ciyaari doonaan horyaalka Bundesliga.

“Thiago Alcântara wuxuu maanta tababarka la qaatay kooxda, wuxuu kasoo hagaagayaa dhaawaciisa sidi hore, Leon Goretzka wuxuu qabtay shaqo fiican, wax saameyn ah kuma yeelan doonto hadii uu kahor yimaado kooxdiisa hore”.

“Renato wuuu ciyaari doona isbuucyada soo socda ka dib badhigii uu ka sameeyay kulankii Benfica”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close