Klopp oo bilaabay olole uu ku difaacayo Mohamed Salah, kadib hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedkiisa

(Liverpool) 21 Sab 2018. Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa qaaday olole uu ku difaacayo xidiga xulka Masar ee Mohamed Salah, ka dib markii uu hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa kulamadii ugu dambeeyay.

“Ma jiraan wax dhibaato ah ee heysata Mohamed Salah, xili ciyaareedkii lasoo dhaafay sidoo kale wuxuu u baahday waqti ku filan si uu wax fiican u sameeyo, si la mid ah xili ciyaareedkan”.

“Salah wali waa halista ugu badan ee kooxda Liverpool, labadii kulan lasoo dhaafay si wanaagsan ayuu u ciyaaray una difaac tamay”.

Si kastaba waxaa xusid mudan in Mohamed Salah ayaa wuxuu dhaliyay 2 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 2 kale tan iyo bilawga xili ciyaareedkan cusub ee 2018/2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close