Guardiola oo difaacay ciyaartoydiisa kadib guuldaradii ay kala kulmeen kooxda Lyon tartanka Champions League

(Manchester) 21 Sab 2018. Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa ay sameysay qaladaad badan intii lagu gudi jiray kulankii Champions League ay guuldarada 2-1 ahayd kasoo gaartay kooxda Lyon.

Pep Guardiola ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay horyaalka Premier League kula ciyaari doonaan kooxda Cardiff City.

“Muhiim ma ahan in cid kasta ay cafis weydiisato, sababtoo ah ma aanan ciyaarin six un, laakiin waxaan sameenay qaladaad badan, inkastoo ciyaartoyda ay sameeyeen wax walba”.

Macalinka reer Spain ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay fikirkiisa kaga aadan horyaalka Premier League.

“Horyaalka Premier League waa tartan jireed, waana ogaa tan iyo maalintii ugu horeesay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close