Cristiano Ronaldo oo ku dhaqaaqay wax aan la rumaysan karin kadib casaankii la siiyay!!

(Turin) 21 Sab 2018 Cristiano Ronaldo ayaa ku dhaqaaqay fal lama filaan ah kadib casaankii loo taagay kulankii Champions League ee Valencia.

Corriere dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu 2-saac oo kaamil ah uu ku qaatay qolka dhar badalka kooxda Juventus, wuxuuna ku sugnaa qolka labiska ilaa saqdii dhexe waliba isaga oo aad u caraysnaa.

Tilaabadaan uu qaaday Cristiano Ronaldo ayaa ah wax aan looga baran laacib qaatay casaan, laakiin sida muuqata wuxuu si wayn uga carooday qaabkii lama filaanka ahayd ee looga saaray ciyaarta.

Ronaldo wuxuu ka codsaday ciyaartoyda Juventus inay cafiyaan maadaama uu ku dhex cidleeyay gudaha garoonka, dhamaan ciyaartoyda kooxda ayaana si wayn u garab istaagay laacibka reer Portugal.

Dhamaan maamulka Juventus ayaa sidoo kale la hadlay Ronaldo, waxayna u xaqiijiyeen inay garab taagan yihiin isaga isla markaana ay ka xunyihiin wixii ku dhacay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close