“Ronaldo ayaan siin lahaa Abaal marinta Ballon d’Or.”.-Laacib ka tirsan Real Madrid oo Niyad jabiyay Saaxiibkii Luka Modric

(Madrid) 20 Sab 2018. Casemiro ayaa si weyn u niyad jabiyay Luka Modrić, kadib markii uu sheegay in abaal marinta xidiga ugu wanaagsan aduunka ee Ballon d’or uu siin lahaa saaxiibkiis hore.

Kubbad qaabeeyaha reer Croatia ayaa ku soo guuleystay dhawaan xiddiga Koobka adduunka iyo laacibka sanadka ee Yurub waxaana aad loo hadal hayaa inuu qaadan doono Ballon d’Or, laakiin Casemiro wuxuu qabaa in Cristiano Ronaldo uu mudan yahay abaal marintaas si uu ugu guuleysto markiisii 6-aad.

“Sanadkan waa kii Luka Modrić, wuxuu sameeyay qaab ciyaareed aad u wanaagsan, lakiin aniga ahaan waxaan siin lahaa abaal marinta Ballon d’or Cristiano Ronaldo”.

Related image

Real Madrid ayaa guul raaxo leh Santiago Bernabeu kaga gaadhay 3-0 kooxda AS Roma xili ay guushan ku hogaamiyeen xidigaha Isco, Gareth Bale iyo Mariano Díaz ayaana goolasha u kala dhaliyay.

Macalinka kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui uu guul muhiim ah ee wayn kaga daah furtay waayihiisa tababaranimo kooxda Real Madrid ee tartanka UEFA Champions league.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close