Mariano Diaz oo xalay taageerayaasha Real Madrid hilmaansiiyay Ronaldo, Muxuuse ka yiri xirashada lambarka “7-aad”?

(Madrid) 20 Sab 2018 Weerar yahanka Real Madrid ee Mariano Diaz ayaa xalay u muuqday mid dadka hilmaasiiyay in Ronaldo uu ka tagay Real.

Xiddigaan ayaa dhaliyay gool cajiib ahaa oo aad ugu eg goolashii looga bartay Cristiano Ronaldo waqtigiisii Real Madrid.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa la waydiiyay in xirfadaan uu ka dhex helay xirashada funaanada Ronaldo, wuxuuna yiri:

“Xirashada lambar “7” muhiimad wayn iima lahan aniga, kaliya waa lambar, ixtiraam badan ayaan u haayaa Ronaldo iyo laacib walba oo horay u soo xirtay funaanadaan”.

“Marcelo ayaa ii baasay kubadda, waxaan helay fursad aan ku laadi karo, waan laaday waxaanan arkay kubaddii oo gashay shabaqa, sidaas darteed waxaan dareemay farxad”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close