Chelsea oo guul dirqi ah ka gaartay kooxda PAOK kulankii ay kaga daah furteen tartanka Europa League

(Europa League) 20 Sab 2018. Kooxda Chelsea  ayaa guul dirqi ah ka gaartay dhigeeda reer Greece ee Young Boys oo ay marti ugu noqotay  garoonkeeda Toumba Stadium kadib markii ay guul kaga gaartay 0-1.

Kooxaha PAOK Thessaloniki FC iyo Chelsea  ayaa waxay ku bilaawdeen si heer saro ah kulankooda ugu horeeyay ay caawa kaga daah furteen Group L ee tartanka Europa League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hogaamineesay kooxda reer London ee Chelsea  kadib markii uu hogaanka u dhiibay laacibka reer Brazil ee Willian daqiiqadii 7-aad, kadib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Ross Barkley.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay kooxda martida loo ahaa ee PAOK Thessaloniki FC ayaa iska caawin xoogan kala hor tagtay Chelsea oo dooneesay in ugu yaraan ay helaan goolka labaad si ay kalsooni u helaan.

Macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri oo ay xaalada ku xumeed ayaa ciyaarta ku sameeyay isbadal wuxuuna ka saaray Álvaro Morata, waxaana badal ku yimid Olivier Giroud daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta.

dhamaadkii ciyaarta 90-ka daqiiqo Chelsea ayaa u soo yeeray war aad u xun kadib markii uu dhaawac halis ah ee dhanka gacanta kasoo gaaray laacibka reer Spain ee Pedro, waxaana laga saaray ciyaarta.

laakiin imaatinka Olivier Giroud  ayaan waxba ka badalin ciyaarta waxayna ugu dambeyn kusoo idlaatay 0-1 ay guusha ku raacday kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea oo saddexda dhibcood kala soo laabatay Toumba Stadium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close