Taageerayaasha Liverpool oo aad uga WALAACAY Maaliiyadii uu Garoonka dhexdiisa isaga badelay Maxamed Saalax kulankii PSG…(Maxay tahay SABABTA?)+SAWIRRO

(England) 19 Sab 2018. Maxamed Saalax ayaa xalay walaac ku abuuray Taageerayaasha Liverpool mar uu maaliyada garoonka isaga dhex badelay ciyaarta oo socota mar uu soo qaadayay kubbad gees laad ah.

Taageerayaasha isha gor gorka ayaa soo qabtay in Saalax ay weli Faashad kaga duuban tahay garabkii uu ka dhaawacay Sergio Ramos Finalkii Champions League ee kal ciyaareedkii tagay.

Taageerayaasha mayilka adag ee Reds ayaa aad uga naxay in Maxamed Saalax uu weli si fiican uga soo kaban dhaawicii uu ku dhigay daafaca reer Spain afar bilood ka hor maadaama uu weli garabka u duubnaa.

Maxamed Saalax ayaa hoos u dhac wayn laga dareemayaa kal ciyaareedkan cusub.

Kulankii xalay ayaa la badelay isagoon wax gool ah dhalin oo wuxuu xitaa sabab u ahaa goolkii ay PSG ciyaarta uga dhigtay 2-2 ka hor inta uusan Firmino dhalin goolka guusha ee Liverpool waqtigii dhimashada.

Taageerayaasha Liverpool oo ku soo yaacay baraha bulshada ayaa walaac ka muujinayay in Saalax uu weli ka duuban yahay garabka isla markaana uusan si fiican uga soo kaban dhaawicii ka soo gaaray Finalkii Champions League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close