Saxaafada Faransiiska oo weerar ku qaaday Neymar kadib guul daradii Liverpool

(Paris) 19 Sab 2018 Saxaafada dalka Faransiiska ayaa weerar ku qaaday xiddiga ugu qaalisan adduunka ee Neymar kadib guul daradii xalay.

Neymar ayaa ka dhex muuqan waayay kulankii xalay kooxdiisa looga adkaaday 3-2 ee Liverpool ay u martiyeen.

Wargayska Le Parisien ayaa weerar ku qaaday Neymar, wuxuuna sheegay inaysan isku qalmin sidii uu u ciyaaray iyo lacagtii laga soo bixiyay.

Kadib hal sano oo ka soo wareegay heshiiskiisa taariikhda galay ee uu ugu biiray PSG, xiddiga reer Brazil ayaa lagu eedeynayaa inuusan sifiican u muuqan kulamada waa wayn ee Champions League.

Wargayska ayaa ku eedeeyay Neymar inuu xal u heli waayay daafaca kooxda Liverpool oo uu awoodi waayay inuu dhaafo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close