Ronaldo oo xiiseenaya inuu gaaro rikoor muhiim ah uu halyayga Real Madrid ee Gento ka sameeyay Champions League

(Juventus) 19 Sab 2018. Cristiano Ronaldo ayaa ku soo bilaaban doona safka kooxdiisa Juventus kulankooda daah furka ee tartanka Champions League xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019 ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Valencia.

Cristiano Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda Champions League, wuxuuna ku leeyahay rikooro iyo guulo uusan gaarin ciyaar yahan kale marka laga reebo Cristiano oo kale.

Hadaba Halkan ka ogoow ololaha Ronaldo ee tartanka Champions League.

Kulamo: 153.

Goolasha: 120

Bilada Dahabka ah: 5 jeer

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu ku guuleysto tartanka Champions League markii lixaad ee taariikhda xirfadiisa kubada cagta, kadib markii uu 5 jeer oo horey kusoo guuleestay,  oo 3 jeer xiriir ah uu lasoo qaaday saddexdii sano lasoo dhaafay.

Cristiano Ronaldo ayaa ujeedkiisa ugu muhiimsan ee kooxda Juventus ka dhiganaya sida uu kusoo barbareen lahaa halyayga kooxda Real Madrid ee Gento oo kula soo guuleestay 6 koob ee Champions League ah Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close