Messi oo diiday inuu dib ugu laabto xulkiisa Argentina

(Barcelona) 19 Sab 2018 Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa diidan inuu markale u ciyaaro xulkiisa kulamada soo socda.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in go’aanka Messi uusan ahayn mid si rasmi ah uu uga wada tagay xulka balse wuxuu doonayaa in waqtigaan uu xooga saaro kaliya kooxdiisa Barcelona.

Lionel Messi ayaa ka maqnaanaya kulanka soo socda ee xulka Argentina uu dalka sucuudiga kula ciyaarayo xulka qaranka Brazil.

Barcelona ayaa kulamo badan oo xiriir ah ciyaaraysa isbuucyada soo socda, Messi ayaana doonaya inuu garab istaago kooxdiisa.

Messi ayaa waydiistay xiriirka kubadda cagta Argentina in la siiyo waqti ku filan oo uu uga fikiro mustaqbalkiisa xulka kadib ka haridii koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close