Hadda wuxuu iibiyaa ROOTI, Shalayna Manchester United ayaa heshiis la gaartay balse markii uu ku biiri rabay….(QISO XANUUN BADAN!!?)

(America) 18 Sab 2018. Manchester United ayaa heshiis la gaartay xiddigii hore ee Uruguay Salvador Cabanas balse intii aysan la soo wareegin Madaxa ayaa Xabad looga dhuftay.

Cabanas oo 2007-dii ku guuleystay laacibka sanadka ee South America ayaa la sheegay in waqtigaa uu bartilmaameed wayn u ahaa Tababarihii hore ee Red Devils Sir Alex Ferguson.

Yeelkeede, waxaa gabi ahaan bur buray Riyadii uu weeraryahanka ugu soo dhaqaaqi lahaa Old Trafford kaddib markii Madaxa xabad looga dhuftay.

Cabanas  ayaa xaalad khatar ku jiray mudo bil ah kaddib markii Madaxa xabad loogu dhuftay mar uu waqti ku qaadanayay Goob lagu caweeyo oo ku taala dalka Mexico 2010-kii.

Related image

Muran ka dhex dhashay  Suulida/Musqusha Club kii uu ku caweynayay dhaliyaha reer Uruguay ayaa sababtay in Madaxa xabad lagaga dhufto.

Dhibaatadaasi kaddib Cabanas ayaa u soo ciyaaray dhowr kooxood oo ka dhisan South America ka hor inta uusan ka fariisan ciyaaraha 2014-kii.

Weeraryahanka dhacdadaasi ka bad-baaday isla markaana iminka 38 jirka ah ayaa xaqiijiyay inuu miiska u saarnaa heshiis uu waqtigaa weerarka Manchester United kala ciyaari lahaa Wayne Rooney iyo Dimitar Berbatov. 

Salvador Cabanas oo u waramayaTelefuturo ayaa yiri:

“Waxaan Saxiixay heshiis hordhac ah oo ku kacaya 1.3 milyan oo bound oo aan ugu dhaqaaqayo Yurub.

“Waxay ii sheegeen in bar-dhammaadkeygu uu noqon doono Manchester United.

“Kooxda ka dhisan America ayaa labo laabtay Mushaarkeyga isla markaana guri iga siisay Acapulco iyo mid kale oo ku yaala Cancun si ay kooxda igu sii hayaan.”.

Cabanas oo 10-gool u dhaliyay xulka Paraguay 44 kulan uu u saftay ayaa iminka ROOTI ku iibiya dalkiisa wuxuuna yiri:

Related image

“Waxaan isku dayayaa inaan horey u sii socdo, Waan jeclahay Shaqada, Dadka way i gartaan markey shaqada igu arkaan waxayna wax iga waydiiyaan kubbada cagta, waxaan heystaa madadaalo badan.”.

W/D:  Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Goo FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close