Garsoorihii Casaanka siiyay Ronaldo oo daaha ka qaaday sabab la yaab leh oo keentay inuu bixiyo Casaanka!!

(Valenia) 19 Sab 2018 Garsooraha reer Germany ee Felix Brych ayaa ka war bixiyay sababtii uu casaanka u siiyay caawa Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Portugal ayeey is qabteen daafaca Valencia ee Jeison Murillo, dhacdada ayaana ahayd mid aan laga helin muuqaal wax badan kala cadayn kara.

Image result for Felix Brych Ronaldo

Sky Italia ayaa daaha ka qaaday in garsoore Felix Brych la waydiiyay sababtii uu casaanka u siiyay Ronaldo wuxuuna sheegay arin la yaab leh.

Felix Brych ayaa cadeeyay in garsooraha taagan shabaqa gadaashiisa uu ku dhawaaqay “Tinta” oo uu ula jeeday in Ronaldo uu tinta ka jiiday Murillo.

Juventus ayaa laga yaabaa inay racfaan ka qaadato casaan kaan sida ay sheegayaan wararka qaar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close