Waqtiga Barcelona ay heshiiska cusub ka saxiixayso tababare Valverde oo la ogaaday

(Barcelona) 18 Sab 2018 Madaxwaynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa daaha ka qaaday waqtiga ay la fariisanayaan tababare Ernesto Valverde.

Qandaraaska tababaraha reer Spain ayaa ku dhaw inuu dhaco, maamulka Barcelona ayaana ku dadaalaya inay ka saxiixaan heshiis cusub.

Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in bisha Maarso ee 2019 ay tahay waqtiga ugu haboon ee maamulka Barcelona uu la fariisan karo tababare Valverde si looga saxiixo heshiis cusub.

“Waxaan jeclahay in Valverde uu sii joogo, waan ka helay hab dhaqankiisa ku aadan maamulka iyo waliba ciyaartoyda” ayuu yiri Josep Maria Bartomeu.

“Waan la fariisanaynaa waayo hal sano oo lagu kordhin karo heshiiskiisa ayaa ku jira qandaraaska, waqtiga ugu haboon ee kal fadhigeena waa bisha Maarso, si aan u ogaano waxa dhacaya xiliciyaareedka dambe”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close