Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab oo soo xiray horyaalka Jubbaland+SAWIRRO

(Kismaayo) 18 Sab 2018. Munaasabad lagu gudoonsiinayay kooxihii kalimaha hore ka galay tartankii Horyaalka Kooxah Jubbaland ee 2017-2018 ayaa maanta lagu qabtay Hotel Agan ee Magaalada Kismaayo.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Mudane Cabdiqani Siciid Carab.Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Jubbaland Axmed Faarax Taqal (Timojilic) Wasiirka Dhalinyarada Iyo ciyaaraha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Cismaan Xuseen Xaaji Fayruus. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Jubbaand Aadan Gaarane, Qaar kamid ah Xildhibaanada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo Marti Sharaf kale.

Kooxda Kisimaayo ayaa ku guuleysatay Abaalmarin lacageed 2,500$ (Laba Kun iyo Shanboqol Oo Dollar ah

Halka Kooxda  kaalinta Labaad ay gashay Kobon iyadana lasiiyay 1,000 $ (Kun Dollar

Sidoo kale Waxaa awaal marin lagudoonsiiyay Macalinkii ugu fiicnaa intii uu tartanka socday. laacibkii ugu gooldhalinta badnaa. golhayihii ugu wanagsanaa  waxaa sidoo kale awaal marin iyo shahaado sharaf la gudoonsiiyay qaar ka mid ah garsoorayaasha dhaxdhaxaadinayay intii uu tartanka socday.

intaasi ka dib Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Mudane Cabdiqani Siciid Carab. waxuu soo kormeeray xafiisyada ay ku shaqeeyan Xiriirka Kubada Cagta Jubbaland iyo Garoonka Kubada Cagta

Gudoomiyaha ayaan sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax ogaqaban doonaan bahiyaha taagan sida ka qeyb qaadashada Dhameestirka Garoonka Kubada Cagta Degmada Kismaayo.

W/Q iidle Adan maxamed Dagane

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close