FIFA oo ka hortimid qorshaha La Liga ee kulamada lagu soo ciyaarayo dalka Maraykanka!

(Zurich) 18 Sab 2018 Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee Gianni Infantino ayaa ka horyimid qorshaha uu wado maamulka La Liga.

Horyaalka Spain waxaa hareeyay isbuucyadii la soo dhaafay in kulamada qaar lagu soo ciyaarayo dalka Maraykanka taas oo ciyaartoy badan ay ka hor yimaadeen.

Image result for Infantino in La Liga

FIFA ayaa haatan qayb ka soo noqotay loolankaas, Gianni Infantino ayaana sheegay in wax wanaagsan aysan ahayn in kulamo horyaal lagu soo ciyaaro dal Ajnabi ah.

“Waxaan doorbidayaa in maraykanka aan ka daawado kulamada horyaalkooda cajiibka ah, si ka duwan in kulamada La Liga lagu ciyaaro halkaas” ayuu yiri Gianni Infantino.

“Kubadda cagta sharcigeeda ugu horeeyo waa in kulamadadaada aad ku ciyaarto garoonkaaga ama dalkaaga ee ma ahan inaad ku ciyaarto dal ajnabi ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close