Maxamed Saalax oo bixiyay Fal celin YAAB ku noqotay Taageerayaasha halkii uu u dabaal degi lahaa goolkii uu Firmino guusha ugu gacan galiyay Liverpool!! DAAWO

(England) 18 Sab 2018. Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo aan saameyn badan ka sameyn kulanka.

Wiilka reer Masar ayaa inuu gool dhaliyo iska dhaafee sabab u ahaa goolkii lagu bar bareeyay kooxdiisa Liverpool oo baas uu qalday ayuu ka dhashay goolka ciyaarta ka dhigay 2-2.

Roberto Firmino oo badel soo daahay ku yimid ciyaarta ayaa dhaliyay goolka guusha ee Liverpool waqtigii dhimashada waliba gool qurux badnaa.

Waxaase yaab ku noqotay taageerayaasha oo baraha bulshada  ku soo yaacay fal celintii Maxamed Saalax kaddib markii uu dhaliyaha reer Brazil goolka shabaqa ku hubsaday.

Kaamirada ayaa waxaa ka muuqanaya Saalax oo caagad biyo ah tuuraya halkii uu dabaal degi lahaa markii uu Firmino waqtiga dhimashada goolka guusha u keenay Liverpool.

Maxaa ka qaldanaa Maxamed Saalax, miyuu ka careysnaa inuu boxo gool la,aan mise dabaal deg ayuuba ka waday caagii uu sida carada leh u tuuray.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close