Xiddigo dhawr ah oo ka maqan Liverpool kulanka habeen dambe ee PSG

(Liverpool) 17 Sab 2018 Xiddigo dhawr ah ayaa ka maqan Liverpool kulanka habeen dambe ay marti qaadi doonto kooxda PSG.

Tababare Jurgen Klopp ayaa daaha ka qaaday inuusan hubin in Roberto Firmino uu ciyaari karo kulanka adag ee habeen dambe.

Wuxuu xaqiijiyay in dhaawaca Roberto Firmino uusan ahayn sidii loo malaynayay, balse wuxuu diiday inuu xaqiijiyo in laacibku uu taam u yahay kulanka PSG.

“Dhamaanteen waxaan aragnay sawiradii dhaawaca Firmino, waxaan dareenay walwal xad dhaaf ah, balse walwalkaas waa uu dhamaaday, Firmino waa uu wanaagsan yahay” ayuu yiri tababare Klopp.

“Diyaar ma yahay kulanka bari? taas ilaa haatan ma hubo, xaalkiisu waa uu soo hagaagay, balse ma awoodo inaan go’aamiyo inuu ciyaari karo kulanka bari”.

Tababare Klopp ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kulanka PSG ay seegayaan Dominic Solanke iyo Divock Origi oo ku dhaawacmay kulan shalay ay u ciyaareen da’yarta Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close