Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann oo markale weerar ku qaaday FIFA

 (Atletico) 17 Sab 2018. Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa markale weerar ku qaaday FIFA, sababa la xiriira doorashadooda saddexda xidig isugu soo hartay abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican aduunka 2018.

Antoine Griezmann ayaa laga reebay liiska ugu dambeeya abaal marinta FIFA ee The Best, kadib markii ay isugu soo hareen xidigaha Ronaldo, Salah iyo Modric.

Antoine Griezmann ayaa si weyn kaga soo caawiyay xulkiisa qaranka France inay ku guuleystaan koobka aduunka 2018, laakiin taasi ma aysan ka caawinin in uu kasoo muuqdo liiska ugu dambeeya ee abaal marinta FIFA.

Hadaba Griezmann ayaa markale si caro leh u sheegay in magaciisa la isko indho tiray si uusan ugu soo bixin gabi ahaanba abaal marinta FIFA ee The Best.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close