“Waxaan isku dayi doonaa inaan kahor istaagno Messi inuu u ciyaaro sida uu doono”… Hirving Lozano

 (Champions League) 17 Sab 2018. Ciyaaryahanka reer Mexico iyo kooxda PSV Hirving Lozano in xirashada maaliyada kooxda Barcelona ay guul muhiim ah u ahaan lahayd xirfadiisa kubada cagta.

Dhinaca kale Hirving Lozano ayaa kahor kulanka ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Barcelona iyo PSV tartanka Champions League tilmaamay in Lionel Messi uu yahay laacibka ugu wanaagsan aduunka.

“Ka ciyaarista Camp Nou waxay ahayd riyo, laakiin waxay noqotay run, ma fileynin in maalin aan ku ciyaari doono halkan, aniga ahaan wuxuu ii yahay kulan muhiim ah, waxaana doonayaa inaan ka faa’iideysto waayo aragnimadan”.

“Lionel Messi mar walba wuxuu ahaa ciyaaryahan weyn, anigana waa kan ugu fiican aduunka, waan arki doonaa sida aan uga hortagi karno si uusan ugu ciyaarin sida uu doonayo”.

“Wuxuu noqon doonaa kulan aad u adag, Barcelona waa koox weyn, oo ay ku sugan yihiin xidigo waaweyn, waxaan isku dayi doonaa inaan u ciyaarno sida ugu fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close