Shibis oo u soo baxday Finalka Degmooyinka kaddib markii ay si silic ah uga adkaatay Shangaani

(Muqdisho) 17 Sab 2018. Degmada Shibis ayaa iska xaadirisay Finalka tartanka  degmooyinka gobolka Banaadir, kaddib kullan adag oo ay si naf lacaari ah uga adkaadeen Shangaani.

Kullanka oo ku bilaawday si dar dar ah ayaa qaybtii hore waxaa lagu kala nastay 0-0

Markii dib la isugu  soo laabtay qaybtii labaad, labada kooxood ayaaa keensan waayay wax gool ah habayaraatee waxaana lagu kala saaray Rigoorooyin.

Gool ku laadyo la dhigay kullanka, waxaa 5-4 ku badisay degmada Shibis oo ugu dambayn Finalka iska xaadirisay.

Guusha Shibis ayaa ka dhigan inay Finalka la ciyaari doonto Degmada Waaberi oo afartii sano ee ugu dambeysay tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir soo gaareysay heerkan oo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close