Ronaldo oo hadlay kaddib markii uu dhaliyay Goolashiisii ugu horreeyay horyaalka Serie A

(Torino) 17 Sab 2018. Crstiano Ronaldo ayaa ugu dambeyn neefta ka fuqday kaddib markii uu shalay dhaliyay Goolashiisii ugu horreeyay horyaalka Serea A Ciyaartii ay ka adkaadeen Sassuolo.

33-jirka reer Portugal ayaa saddexdii kulan uu horey u soo ciyaaray 28-shuut ku raadiyay gool balse hal xitaa wuu u dhalan waayay.

Waxay taa ka dhigneyd inuu gool dhalin waayay 320 daqiiqo ee ugu horreysay uu ciyaaro horyaalka Talyaaniga.

Goolka ugu horreeyay ayaa ahaa mid alle ku sii ah balse 15 daqiiqo kaddib ayuu dhaliyay gool cajiib ah kaddib markii uu lugta bidix ku hubsaday.

Yeelkeede, laacibka oo hadlay kaddib labadii gool uu shalay dhaliyay ayaa muujiyay farxadiisa ku aadan inuu ugu dambeyn ka baxay abaarta.

“Waan yare walaacsanaa maadaama waxyaabaha la iga filanayay ay aad u sarreeyeen. Dhabtii aad baan u doonayay inaan gool dhaliyo, sidaa darteed waan faraxsanahay.

“Dabcan, Waxaa jiray dareen kaddib imaanshiyaheyga Torino, laakiin noloshu waa sidaa oo kale.

“Waan faraxsanahay. Si fiican ayaan u shaqeynayaa saaxiibadeyda kooxdana waxay iga caawiyeen inaan la qabsado horyaalkan.”.

Dhanka kale Ronaldo ayaa eeganaya inuu Juventus ku hogaamiyay Champions League ugu horreeyay tan iyo 1996 wuxuuna yiri:

“Waa tartanka aan ugu jecelahay, waxaan rajeynaynaa inaan nasiib ku yeelano, wuxuu noqon doonaa Group adag balse ma sugi karo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close