“Kama liito Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi” – Antoine Griezmann!

(Madrid) 17 Sab 2018 Antoine Griezmann ayaa isku arkay waqti xaadir kaan inuu kamid yahay xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagta.

Wuxuuna sheegay inuu ku jiro waqtigii ugu fiicnaa ee uu ku qaadanayo kooxdiisa Atletico Madrid iyo waliba xulkiisa France oo uu la qaaday koobka adduunka.

Griezmann ayaa intaa ku daray inuu dareemayo in haatan uusan ka liidan Messi iyo Ronaldo isla markaana uu ku jiro xiddigaha ugu wanaagsan adduunka.

Image result for Griezmann Messi Ronaldo

“Waxaan ku naaloonayaa mid kamid ah waqtigii iigu fiicnaa xirfadayda haddii ay ahaan lahayd kooxda iyo xulka” ayuu yiri Antoine Griezmann.

“Waxaan ku guulaystay Europa League, Super Cup-ka yurub iyo koobka adduunka, waxaan dareemayaa dhab ahaan inaan nasiib leeyahay, waxaan rajaynayaa inaan sii joogteeyo”.

“Ma dareemayo inaan ka liito Messi iyo Ronaldo, waan fariisan karaa miiska xiddigaha ugu fiican adduunka, waxaan joogaa halka ugu saraysa, laakiin wali waan is hagaajin karaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close