Heegan oo Gacanteeda isaga reebtay Horseed isla markaana hiigsatay Hogaanka Horyaalka

(Muqdisho) 17 Sab 2018. Kooxda Heegan ayaa dhib la’aan uga badisay Horseed, kullan adag oo ka dhacay garoonka Wiish oo qeyb ka ahaa Kubbada Koleyga .

Labada kooxood ayaa si wayn u xifaaltama, waana kooxo hoos yimaada ciidamada Booliska iyo Militariga.

Kullanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu tala galay kusoo dhamaaday 64 oo ay la timid Heegan iyo 50 oo ay shaqaysatay naadiga Horseed.

Heegan ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka markii ay badisay shantii ciyaar ee horyaalka kubadda kolayga.

Heegan ayaa dhawaan la ciyaari doonta Dekedda, waana kullan kale oo si wayn isha loogu hayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close