Ciyaartoy muhiim ah oo ka maqan Tottenham kulanka habeen dambe ee Inter Milan

(London) 17 Sab 2018 Tababare Mauricio Pochettino ayaa helaya war aan wanaagsanayn ka hor kulanka ay u safarayaan Inter Milan.

Tottenham ayaa u martin doonta habeen dambe kooxda Inter Milan kulan ka tirsan wareega guruubyada ee koobka horyaalada yurub.

Kooxda reer Ingiriis ayaa xaqiijisay in kulanka habeen dambe ay seegayaan ilaa 5-laacib oo 4-kamid ah ay muhiim u yihiin shaxda tababare Mauricio Pochettino.

Goolhaye Hugo Lloris oo dhaawac ku seegay kulankii Liverpool ayaa seegaya sidoo kale kulanka habeen dambe ee Inter Milan.

Sidoo kale, Dele Alli oo isna dhaawac ku seegay kulankii Liverpool ayaa ka maqnaanaya kooxdiisa Tottenham.

Moussa Sissoko ayaa isna la xaqiijiyay inuu seegayo kulanka Inter Milan, halka Toby Alderweireld iyo Kieran Trippier aysan ku jirin liiska xiddigaha loo soo xulay kulankaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close