Benzema oo daaha ka qaaday sababta ka danbaysa qaab ciyaareedkiisa wanaagsan

(Madrid) 17 Sab 2018 Weerar yahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa daaha ka qaaday sababta ka danbaysa qaab ciyaareedkiisa fiican.

Xiddiga reer France ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liitay xiliciyaareedkii hore, taageerayaasha Real ayaana dalbaday in laga diro kooxda.

Image result for Benzema 2018

Benzema ayaa sheegay in xiliciyaareed kaan uu dareemayo in masuuliyad gaar ah ay saaran tahay kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo.

“Kulan walba waxaan naftayda hordhigaa hadaf go’an sida inaan goolal dhaliyo iyo inaan ka caawiyo kooxda sida ay guul u gaari lahayd” ayuu yiri Benzema.

“Sanad walba waxaan qaadayaa masuuliyad wayn, maadaama aan ahay kabtanka 3-aad ee kooxda waxaa haboon inaan soo muujiyo wax qabad wayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close