Xiriirka kubadda cagta Masar oo ka arinsanaya xalinta khilaafka Mohamed Salah

(Cairo) 16 Sab 2018 Xiriirka kubada cagta dalka Masar ayaa maanta ku balansan kulan ay uga arinsanayaan xalinta khilaafka kala dhexeeya Mohamed Salah.

Salah ayaa codsanaya in loo sameeyo ilaalo gaar ah inta uu joogo xarunta tababarka ee xulka Masar, sidoo kale wuxuu codsaday in loo madax baneeyo xuquuqda sawiradiisa iyo xayaysiinta uu kula jiro shirkadaha gaarka ah.

Xiriirka u dhexeeya Salah iyo xiriirka kubadda cagta Masar ayaa gaaray meel xun isbuucii la soo dhaafay, laacibka ayaana ka laba labaynaya inuu ka fariisto u ciyaarida xulkiisa.

Waxaa la filayaa in maanta go’aan wax ku ool ah uu ka soo baxo hogaanka xiriirka kubadda cagta Masar si loo xaliyo arinta Mohamed Salah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close