Wayne Rooney oo ka hadlay sirta ka dambeysa inuu ka soo dhaqaaqo horyaalka Premier League

(England) 16 Sab 2018. Weeraryahankii hore ee xulka England Wayne Rooney ayaa sheegay in kasoo dhaqaaqistiisa horyaalka Premier League inay sabab u yihiin dhowr arimood.

Waxaa ka mid ah cadaadiska uu kula kulmay Everton, gaar ahaan milkiilaha kooxda  oo aan dooneyn inuu sii joogo kooxda, taasoo ka dhigtay inuu go’aansado inuu baxo.

“Waxaan ka soo baxay England sababa la xiriira milkiilaha kooxda Everton, sababtoo ah ma uusan dooneynin inaan kooxda la sii joogo”.

“Waxaan ugu soo laabtay Everton inaan kula guuleysto koobab, iyo inaan ku hogaamiyo boosaska loogu soo gudbo tartanka Champions League”.

“Laakiin waxaa layaab igu noqotay iskudayga lagu doonayay in la igu qasbo inaan baxo. Waxaana xiligaas dalab ka helay kooxda DC United si aan ugu biiro”.

“Waan ogahay in kooxdu ay u baahnayd inaan baxo si ay u sameeyaan saxiixyo cusub, mana ka caroonin, kaliya waxaan ka ahayn in ay been ii sheegeen”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close