Waaberi Yaa Jooji karaahee

(Muqdisho) 16 Sab 2018. Degmada Waaberi oo sanadkii tagay si raaxo leh ku qaaday koobka Degmooyinka Gobalka Benaadir ayaa misane sanadkaan iska soo xaadirisay Finalka kaddib markii ay gool madi ah ku martay Hodan.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-0.

Waaberi ayaa heshay goolka qura ay ku adkaatay ciyaarta qeybta labaad.

Waxaa xusid mudan in labadaan Degmo ay Finalka wada ciyaareen sanadkii tagay xilli habeen ah iyadoo ay Waaberi si sahlan ku qaaday koobka.

Waaberi ayaa iminka sugeysa cida ka soo baxda Shangaani iyo Shibis oo beri ciyaari doona insha’alaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close