SAWIRRO+MUUQAAL: Suxul, Teesto iyo waliba Candhuuf, Costa oo Taariikh xun loo diiwaan galiyay xilli isla kulankaa Ronaldo Baal Dahabi ah lagu qoray!!

(Torino) 16 Sab 2018. Haddii Cristiano Ronaldo baal dahabi ah looga qoray Serie A kaddib markii uu dhaliyay goolashiisii ugu horreeyay horyaalka Talyaaniga ogoow in Douglas Costa isla kulankaas loo diiwaan galiyay Taariikh fool xun.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or ayaa dhaliyay labadii gool ay galabta kaga adkaadeen naadiga Sassuolo balse waxaa Kaarka cas loo taagay waliba la filayaa in ciqaab adag lagu rido Costa.

Laacibka reer Brazil ayaa Suxul ku dhuftay Federico di Francesco, dabadeed teesta laqsiiyay ka hor inta uusan Candhuuf afka u galin.

Ficilkii hore ee Suxulka ayaa Costa lagu siiyay Jaale balse markii dib loo eegay VAR ayaa la arkay isagoo Candhuuf afka uga tufaya laacibkii  ay murmeen.

Lama garanayo hadaladii uu Federico ku yiri Costa balse waxaa meesha ka cad inuusan la dhicin oo uu aad uga carooday taa oo keentay inuu xitaa Candhuufo.

SAWIRRO + MUUQAAL:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close