Ronaldo oo horyaalka Serie A ka furtay akoonkiisa goolasha, imisa gool ayuu kasoo dhaliyay saddexdii horyaal kale uu soo maray?

(Juventus) 16 Sab 2018. Ugu danbeyntii, Cristiano Ronaldo ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Juventus u dhaliyay, kaasoo ahaa mid laga wada sugay inuu imaan doono inta lagu jiray kulankii Sassuolo ee ka dhacay Allianz Stadium

Cristiano Ronaldo oo seegay gooldhalinta seddex kulan uu u saftay Juventus horyaalka Serie A, ayaa kulanka maanta Sassuolo ee ka tirsanaa kulamada 4-aad ka dhaliyay 2 gool.

Ronaldo oo xirfadiisa ciyareed kasoo bilaabay kooxda Sporting Lisbon ee dalka Portugal, sidoo kale uu soo ciyaaray kooxaha Manchester United oo England ah, iyo  Real Madrid ee Spain ah ayaa ugu dambeyn maanta akoonkiisa goolasha ka furtay kooxdiisa cusub ee Juventus ee horyaalka dalka Talyaaniga.

Hadaba halka hoose ka daawo faafaahinta  rikoodhka gooldhalineed Cristiano Ronaldo ee afartii horyaal uu kasoo ciyaaray:

Portuguese Liga

Wuxuu ciyaaray: 28 kulan – wuxuu dhaliyay: 3 gool

Premier League

Wuxuu ciyaaray: 196 kulan – wuxuu dhaliyay:  84  gool

La Liga

Wuxuu ciyaaray: 292 kula – wuxuu dhaliyay:   311 gool

Serie A

Wuxuu ciyaaray: 4 kulan – wuxuu dhaliyay:   2  gool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close