RIKOODH CAJIIB AH: Ma Ogtahay marna lagama adkaan Chelsea markasta uu Hazard…!!????

(London) 16 Sab 2018. Eden Hazard ayaa shalay ka kacay Saddexleydiisii ugu horreysay ee Chelsea muddo afar sano ka badan ciyaartii ay 4-1 uga adkaadeen naadiga Cardiff City.

Macallinka Blues Sarri ayaa la dhacsan xiddiga reer Belgium oo uu ku sheegay inuu yahay kan ugu fiican Yurub isagoona tilmaamay inuu xagaagan dhalin karo 40 gool haddii uu waqtiga intiisa badan ku qaato dhanka weerarka.

Yeelkeede, Hazard ayaa waxaa u yaala Rikoodh Cajiib ah oo kooxdiisa Chelsea marna laga adkaan markasta uu gool u dhaliyo Premier League kulamada ay ku ciyaareyso Stamford Bridge.

Hazard ayaa shabaqa tagay 37-kulan oo horyaalka Ingiriiska ah isagoo ku ciyaara garoonka kooxdiisa, 34-kulan ayay badiyeen halka ay bar baro galeen 3-da kale oo marna laga adkaan Blues markasta uu gool u dhaliyay Hazard kulan PL oo lagu ciyaarayo Stamford Bridge.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close