Liverpool oo WARBIXIN ka soo saaray dhaawicii Shalay ISHA ka gaaray Roberto Firmino

(England) 16 Sab 2018. Roberto Firmino ayaa waxaa isha ka gaaray dhaawac kaddib markii uu farta ka galiyay Jan Vertonghen kulankii ay shalay Liverpool ka adkaatay Tottenham.

Firmino oo dhaliyay mid ka mid ah goolashii ay ku adkaatay kooxdiisa ayaa garoonka laga saaray kaddib dhaawicii isha ka gaaray.

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in dhibaato raagi doonta uusan qabin dhaliyaha Liverpool isla markaana uu ka soo muuqan karo kulanka Champions League ay Reds ku wajaheyso kooxda PSG.

“Baaritaanadii Isbitaalka ayaa xaqiijiyay in xagtin gaartay isha balse aysan jiri doonin dhaawac ama waxyeelo raagta,” Warbixinta ayaa sidaa lagu bilaabay.

“Arrinka waxaa indho indheen doona oo daweyn doona shaqaalaha caafimaadka ka hor inta aan la sameyn wax go’aan ah haddii uu ka soo muuqanayo kulanka PSG iyo inkale, Lambar 9-ka lagama saarin liiska.

“Firmino ayaa si gooni ah dib ugu soo safray Merseyside kaddib qiimeyntii wanaagsaneyd ee isha looga sameeyay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close