Jurgen Klopp oo ku dooday in Liverpool aysan ku tiirsaneen kaliya Mohamed Salah

(Liverpool) 16 Sab 2018. Jurgen Klopp ayaa aaminsan in Liverpool ay xili ciyaareedkan cadeesay sida aysan ugu tiirsaneen adeega laacibka xulka qaranka Marsar ee Mohamed Salah.

“Waxaa iska cad in Liverpool aysan ku tiirsaneen kaliya Mohamed Salah, dabcan waxaa muhim ah inaan heysano wax ka badan hal gooldhaliye”.

“Waxaan soo guuleesanay kulamo qaar, waana wax aad u wanaagsan, laakiin ma jiraan wax ay inaga badali doonaan, sababtoo ah waxaan ognahay waxa soo socda, iyo waxa nagala doonayo inaan sameyno”.

“Waan ku faraxsanahay ciyaartoyda, kulankii Tottenham Hotspur wuxuu ahaa mid cajiib ah, waa hubaal inaan ciyaari doono kulamo kale ee aad u adag inta ka dhiman xili ciyaareedka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close