Eden Hazard oo hadalkan laabta ugu qaboojiyay jamaahiirta kooxda Chelsea

(Chelsea) 16 Sab 2018. Eden Hazard ayaa markale ka hadlay wararka ku adan inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, si uu u noqdo badalka Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus.

Laacibka reer Belgium ayaa ka sameeyay bandhi wanaagsan kualnkii ay shalay kula ciyaareen kooxda Cardiff horyaalka Premier League kadib markii uu dhliyay goolasha saddexleyda.

“Xili kasta waxaan isku dayaa inaan ku soo bandhigo wax walba kooxda Chelsea, sababtoo ah kooxdan waxay i siisay wax badan”.

“Marka aan ku gudi jiro gudaha garoonka waxaan sameeyaa wax walba, sababa la xiriira sida ay kooxda guul ku gaari lahayd”.

Eden Hazard ayaa la hadal hayay inuu ku biirayo Real Madrid, si uu ugu noqdo badalka Cristiano Ronaldo oo kaga dhaqaaqay suuqan xagaaga kooxda Real Madrid.

Hazard ayaa wuxuu heshiiskiisa soo idlaanayaa 2020, waxaana laga yaabaa inuu saxiixo heshiis cusub uu ku sii joogi doono waqti dheer kooxda Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close