David Beckham oo Qorshahaan la damacsan Lionel Messi iyo Barcelona oo naxsan!!

(Barcelona) 16 Sab 2018 Halyeeygii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ee David Beckham ayaa dhabar jab wayn la damacsan kooxda Barcelona.

The Times ayaa daaha ka qaaday in David Beckham uu qorshaynayo in Lionel Messi uu geeyo kooxdiisa cusub ee Inter Miami ee horyaalka Maraykanka.

Image result for David Beckham Messi

Kooxda Inter Miami ayaa ka ciyaaraysa MLS-ka Maraykanka 2020, waqtigaas hal sano oo kaliya ayaa uga haraysa Messi heshiikiisa Barcelona.

Messi ayaana waqtigaas noqonaya 34 jir, David Beckham ayaana diyaar u ah inuu la wareego Messi si uu ugu ciyaaro Inter Miami.

Qandaraaska Messi ee Barcelona ayaa lagu burburn karaa 626 milyan oo Ginni, wuxuuna noqonayaa saxiixa ugu qaalisan adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close