Chelsea oo la kulantay dharbaaxa xoogan inta lagu gudi jiray kulankii Cardiff City

(Chelsea) 16 Sab 2018. Wargeyska “Mondo Deportivo” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea iyo macalinkeeda Maurizio Sarri ay la kulmeen dharbaaxi xoogan, inta lagu gudi jiray kulankii Cardiff City.

Laacibka reer Croatia Mateo Kovačić ee dhawaan Chelsea kaga soo biiray kooxda Real Madrid uu kasoo gaaray dhawac aad u daran inta uu socday kulankii ay guusha kaga gaareen 4-1 kooxda kulankii Cardiff City.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan Mateo Kovačić uu tan iyo imaatinkiisa kooxda Chelsea ka mid noqday xidigaha ugu muhiimsan shaxda Maurizio Sarri.

Kooxda Chelsea ayaan wali wax war ah kasoo saarin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Mateo Kovačić iyo mudada uu garoomada ka maqnaan doono, balse Maurizio Sarri ayaa la fahansan yahay in mudada uu maqnaan doono Kovačić uu badal kaga dhigan doono Ross Barkley.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close