“Waxaan arkay Messi oo kaligii Qol ku jira isla markaana u OOYNAYA sida Canug Yar oo Hooyadii Dhimatay!”.

(Argentina) 15 Sab 2018. Cadaalad ayay noqoneysaa haddii la dhoho Lionel Messi ma uusan helin nasiibka ugu fiican marka laga hadlayo heerka Ciyaaraha Caalamiga.

Laacibka reer Argentina ayaa wax kasta kula guuleystay kooxda Barcelona laakiin waxaa had iyo jeer ka hari la’ eeda inuusan xulkiisa weli koob wayn la qaadin.

Lionel Messi ayaa Argentina ku hogaamiyay Finalk kii Koobka Adduunka ee lagu qabtay Brazil balse nasiib darro Germany ayaa si silac ah uga qaaday.

Sidoo kale Messi ayaa u soo dul qaatay in labo sano oo is xigta ay Chile ka qaaday Copa America.

Tababaraha Jir dhiska xulka Argentina Elvio Paolorosso ayaa haddaba iminka daaha ka rogay waqti aad u murugo badan oo soo maray Mesis kaddib markii laga qaaday Copa America 2016-kii.

An Argentina coach says he found Lionel Messi in tears after the 2016 Copa America final

‘Qolka dharbadelashada kaddib Copa America wuxuu ahaa mid aad u xanuun badan, laakiin tii ugu darneyd ayaa timid,’ Paolorosso ayaa sidaa u sheegay Radio ku yaala dalkaasi Argentina.

‘Labada Aroornimo, waxaan soo aaday qolka dharbadelashada waxaana arkay Lionel Messi oo gabi ahaan kaligiis ah isla markaana u Ooynaya sida canug yar oo hooyadii waayay.

‘Wuxuu ahaa mid aad u niyad jabsan oo aysan cidna Sabarsiineyn. Laabta ayaan galiyay, dabadeedna in cabbaar ah ayaan wada Ooynay .’.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close