Valverde oo lumiyay xasilloonida kadib markii wax laga weydiiyay sababta uu u badalay Ousmane Dembélé

(Barcelona) 15 Sab 2018.Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa xakameyn waayay dareenkiisa kadib shirkii jaraa’id uu kasoo muuqday guushii ay kaga gaareen kooxda Real Sociedad garoonka Anoeta Stadium.

Valverde ayaa si weyn kaga carooday su’aalaha joogtada ah ay soo bandhigeen suxufiyiinta inta uu ku gudi jiray shirka jaraa’id kadib ciyaarta.

“Qeybtii hore, Sociedad waxay masaafo u diideen Pique si uusan kubada kaga soo saarin qeybta dambe ee difaaca, ama uu u wareejiyo labada dhinaca ee garbaha, sababtoo ah aad ayay ugu dhawaayeen”.

“Laakiin qeybtii labaad wax walba ayaan hagaajinay, sababtoo ah waxaan heysanay dooqyo kala duwan”.

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa lumiyay xasilloonidiisa kadib markii wax laga weydiiyay sababta uu ciyaarta kaga saaray Ousmane Dembélé isla markaana uu u keensaday Arturo Vidal.

“Ma fahmin sababta aad ii weydiineysaan badalka Ousmane Dembélé iyo soo galida ciyaarta ee Arturo Vidal.? Waxaa jiray badalo kale”.

“Waxaan kusoo guuleesanay garoon aad u adag, waana Anoeta Stadium, idinkana waxaad ka hadleysaan badalka Ousmane Dembélé iyo Arturo Vidal”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close