Romelu Lukaku oo ka hadlay guushii ay ka gaareen kooxda Watford

(Manchester) 15 Sab 2018. Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa ka hadlay guushii 2-1 ahayd ay kaga gaareen Watford kuloonkoodii 5-aa xili ciyaareedkan horyaalka Premier League.
“Kooxda waxay ahayd mid aad u adag, laakiin waxaan gaarnay guul kale waana inaan halkeena kasii wadnaa”.
“Waxaan dhalinay 2 gool, waxaan sidoo kale sameenay isku dayo aad u wanaagsan aniga iyo sidoo kale Jesse Lingard iyo Sanchez”.
“Waxay ahayd inaan dhalino gool 3-aad, kadib fursadihii aan helnay, sidaas darteed waa inaan dib u eegnaa waxaa dhacay markale”.
“Macalinka wuxuu inoo sheegay inaan fiicneen, waana inaan sii wadno inaan badino, si aan badal u sameyno”
Gool FM.