Morata oo godkiisa biyo ugu soo galeen…(Hazard oo Sarbeebay inuu doonayo in hadda kaddib….)

(London) 15 Sab 2018. Eden Hazard ayaa Oliver Giroud ku sheegay dhaliyaha ugu fiican Adduunka kaddib sidii uu ula shaqeeyay kualnkii ay dhawaan Chelsea 4-1 uga adkaatay kooxda Cardiff City.

Blues oo gool looga naxsaday ayaa si la yaqaano u soo kabsatay si ay u sii wadato guulaheeda 100% ay kal ciyaareedka cusub ku bilaabatay.

Hazard ayaa is raacsaday labo gool oo cajiib ah qeybtii hore si uu iga dhigo ciyaarta 2-1 waxaana labada goolba kala shaqeeyay Giroud, ka hor inta uusan qeybta dambe dhammeystiran goolasha loo yaqaano Saddexleyda kaddib markii uu dhaliyay Rigoore lagu galay Willian.

‘Waa nin bartilmaameed ah, laga yaabee inuu yahay kan ugu fiican adduunka sida aan aaminsanahay,” Hazard ayaa sidaa yiri ciyaara kaddib.

“Marka uu kubbad helo wuu heyn karaa kubbada gudaha ayaana la aadi karnaa isaga. Sidaa darteed innaga ahaan waa faraxad inaan la ciyaarno isaga.

“Marka uu Alvaro Morato ciyaarayo gabi ahaan waa mid ka duwan, waa ciyaaryahan nooc ku duwan ah, labadudba tayo ayay leeyihiin sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan heysno weeraryahano fiican.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close