Mbappé oo sheegay inuu si weyn ugu xirnaan doono horyaalka Talyaaniga kadib ku biirista Ronaldo

(Serie A) 15 Sab 2018. Kylian Mbappé ayaa ka hadlay ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus, kadib markii uu ka dhaqaaqay kooxda Real Madrid suuqii dhawaa ee xagaaga.

laacibka kooxda PSG iyo xulka qaranka France ayaa ka hadlay muhiimada ay u leedahay horyalka Talyaaniga kadib ku biirista  Ronaldo, wuxuuna sheegay inuu u daawan doono si ka duwan sidii hore.

“Ronaldo wuxuu dib u soo celiyay xiisaha horyaalka Talyaaniga, wuxuu ahaa horyaal weyn, laakiin xiliyadii lasoo dhaafay wuxuu waayay booskii uu lahaa”.

“Ku sugnaan shiyaha Cristiano Ronaldo Talyaaniga waxay markale dadka u muujin doonaan dareen, runtii waan daawan jiray horyaalka Talyaaniga”

“Aniga ahaan haatan waxaan xiiseyn doonaa inaan daawado horyaalka Talyaaniga in ka badan sidii hore, imaatinka Ronaldo waxay Juventus ka dhigtay mid ka fiican sidii hore”.

“Heshiiska Cristiano Ronaldo waxay faa’iido u tahay qof kasta, sidaas darteen Juventus ayaa la filayaa in meel fiican ay ka gaari doonto tartanka Champions League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close