Manchester united oo Joojisay Guulihii Xariirka ee Kooxda Watford markii ay ku Dubteen Garoonkooda+SAWIRRO

( Premier League ) 15 Sab 2018. Lukaku iyo Smalling ayaa u suura galiyay Manchester united inay guul 2-1 ku garaacdo kooxda Watford oo guuldarro la’aan aheyd.

Qeybta hore kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeysay kooxda Manchester united.

Goolka daah furka dheesha waxaa dhaliyay laacibka Romula Lukaku markii cayaarto socotay daqiiqadii 35-aad kaddib kubadd diib qurxoon uu soo dhigay irida goolka cayaariyahan Ashley Young.

Seddaxda daqiiqo kaddib goolka labaad ayay heshay united waxaan shabaqa u gaaray daafaca Chris Smalling

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe labada dhinac ayaa halkoodii ka sii watay kubadda weerar ku dhisan inkastoo firfircooni ay lasoo gashay kooxda Guriga.

Daqiiqadii 65-aad Andre Gray ayaa gool usoo celiyay kooxdiisa Watford markii kubbad si qurxoon loo dhisay uu goolka ku dhameystiray.

United ayaa u muuqatay mid hab difaaceed cayaareeysay kulanka qeybihiisa dmabe waxayna kubaddu inteeda badan aheyd in ka socotay dhan kooxda Guriga.

Markii dheesho socotay daqiiqadii 77-aad kooxda Watford ayaa iska badbaadisay kubbad weerar celi aheyd taasoo ay banaanka kaga saareen laacibka Alex Sanchez.

Markale isku dag halis ahaa ayaa laga baddaaiyay cayaariyahanka badalka kusoo galay ee Anthony Martial markii uu kubbada ka saaray goolhayaha Watford.

Waqtigii dheeriga ee lagu daray kulanka kooxda Martiga ayaa inteeda badan aheyd kuwa difaaca iyadoo kooxda Watford aysan u suuragal fursado ay heshay dhamaadka dheesha.

Nemanja Matic ayaa laga saaray cayaarta markii uu qaatay jaalihii labaad kaddib qalad uu ku galay cayaariyahan kubbad la dhaafay.

David De Gea ayaa halistii ugu weyneed ka badbaadiyay kooxda Watford markii uu banaanka u saaray kubadd madax aheyd waxayna ugu dambeyna guusha ku raacday naadiga United 2-1.

DAAWO SAWIRRADA

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close