Inter Milan oo Guuldarro Naxdin Leh kala kulantay Kooxda Parma+SAWIRRO

( Seire A ) 15 Sept 2018. Naadiga inter ayaa qasaaro lama filaana ay kasoo gaartay dhigeeda Parma markii looga adkaatay 1-0 cayaar ka dhacday garoonka San Siro Stadium ee magaalada Milan.

Kooxda Inter oo bartamaha asbuucan cayaari doonta mudda lix sano kaddib koobka Champions League ayaa safkeeda kusoo bilaawday cayaariyahanada ugu wanaagsan balse awood u yeelan waayay inay garaacan kooxda xagaagan usoo dalacday horyaalka heerka kowaad ee dalka talyaaniga.

Goolka qura ay ku badisay kooxda Parma ayaa yimid daqiiqadii 79-aad xili dheesho wax ka yar 10 daqiiqo ay ka harsaneed waxaana u dhaliyay laacibka Federico Dimarco.

Dabayaaqadii kulanka markale kooxda Parma ayaa halis galisay goolka Inter markii darbad xoogan uu badbaadiyay goolhaye Samir Handanovic taaso ka timid xiddiga Gervinho.

Guusha ay Parma kaga gaartay Inter garoonkeeda ayay ka dhigan tahay markii ugu horreeysay oo ay ku badiyaan garoonka San Siro muddo 19 sano kaddib.

Parma oo kamida aheyd kooxihii ugu adkaa xiligii sagaashameyadii horyaalka Italy ayaa xili cyaareedkan dib ugu soo laabtay horyaalka heerka kowaad ee Seire A kaddib seddaxd kal cayaareed oo ay kasoo gudbeysay sedaxd horyaal ee hoose ee laga dheelo dhalka talyaaniga markii kooxdan heerka afaraad oo dalacsiiyay sanadkii 2015.

DAAWO SAWIRRADA

Image result for Parma shock Inter at San Siro

Image result for Parma shock Inter at San Siro

Image result for Parma shock Inter at San Siro

Related image

Image result for Parma shock Inter at San Siro

Image result for Parma shock Inter at San Siro

Image result for Parma shock Inter at San Siro

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close