HORDHAC: Real Sociedad v Barcelona

( La Liga ) 15 Sept 2018. Barcelona ayaa u marti ah kooxda ay ku dhibtooto garoonkeeda ee Real Sociedad kulamada asbuuca afaraad ee horyaalka La Liga.

Naadiga xafidaneysa horyaalka Spain ayaa dheeshii ugu dambeysay ku adkaatay 8-2 kulankii ay soo booqatay kooxda horyaalka ku cusub ee SD Huesca.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: La Liga

Waqtiga: 05:15 pm ( SGA )

Garsooraha: Carlos Del Cerro Grande

Garoonka: Estadio Anoeta

Wararka Labada Koox

Asier Garitano ayay macquul tahay inuu badalin goolhayaha iyo afarta daafac dambe .

Mikel Merino ayaa laga doorbidi karaa dhanka qadka dhexe xiddiga David Zurutuza.

Sandro iyo Willian Jose ayaa labaduba dhaawac ah, halka Jon Bautista uu qeyb ka yahay safka naadiga.

Ernesto Valverde ayaa la fileyn inuu badalo habkii uu hantay horyaaka La Liga.

Ousmane Dembele ayaa sii heysan doona booska joogtada isagoo markale qeyb ka ah weerarka hore.

Philippe Coutinho ayay suuragal tahay inuu qadka dhexe kaga dheelo kooxda martida.

Xaqiiqooyinka dheeshan

Waxaa jira qiyaastii 2.5 gool oo ay dhalisay kooxda Real Sociedad 11kii kulan ee ugu dambeysay garoonkeeda horyaalka La Liga.

Barcelona waa guuldarro la’aan 37 kamida 38kii dheel ee ugu dambeyay La Liga.

Barcelona ayaa badisay 5tii kulan ee ugu dambeysay oo ay la cayaartay naadiga Real Sociedad dhammaan tartamada.

Real Sociedad ayaa adkaatay 7 kamida 8dii cayaar ee ugu dambeysay garoonkeeda horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close