Bayern Munich oo ka cabsi qabta in James Rodriguez uu dib ugu laabto Real Madrid

(Munich) 15 Sab 2018 James Rodriguez ayaa ku qaadanaya Bayern Munich xiliciyaareedkii ugu danbeeyay ee amaahdiisa.

Kabtanka xulka Colombia ayaa amaah labo xiliciyaareed ah ugu biiray kooxda Bayern Munich xaggaagii 2017 kadib markii uu ka waayay boos joogto ah.

Laakiin bixitaankii tababare Zidane ayaa sababtay in Real Madrid ay markale codsato in James Rodriguez uu dib ugu soo laabto kooxda, balse maamulka Bayern Munich ayaa diiday.

Bayern Munich ayaa ka warhaysa in James Rodriguez uu si wayn u doonayo inuu dib ugu laabto Real Madrid sida uu baahiyay wargayska Kicker.

Arinkaas ayaa wal wal ku abuuray maamulka Bayern Munich oo qorshaynaya inay wada iibsadaan James Rodriguez kadib markii uu si fiican ula qabsaday kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close