Barcelona oo guul Soo laabasho ah ka gaartay kooxda Real Sociedad+SAWIRRO

( La Liga ) 15 Sept 2018. Difaacayaasha horyaalka La Liga Spain ee Barcelona ayaa si dhib badan guula laga soo hooyay kooxda Real Socieded markii ay uga adkaadeen 2-1.
Kooxda guriga ayaa goolka la hormartay waxaana u dhaiyay laacibka Aritz Elustondo daqiiqadii 12-aad.
Inta badan ayaa goolkaa lagu hor ka cayay kooxda Barca ilaa daqiiqadii 63-aad markaa uu yimid goolka bareejada waxaana u dhaliyay weeraryahankooda Luis Suarez.
Seddaxd daqiiqo kaddib Barcelona ayaa dhalisay goolka guusha waxaana shabaqa u gaaray xiddiga Ousmane Dembele.
Guushan ayay Barca kaga dhigan tahay mid Boqolkiiba boqol qaan wanaagsan ugu dilaabatay horyaalka waxayna lee yihiin 12 dhibcood afarta dheel ay horyaalka cayaartay.
DAAWO SAWIRRADA
Gool FM.