Aboutrika oo difaacay Mohamed Salah, isagoo dhinaca kale weerar ku qaaday Sadio Mane

(Liverpool) 15 Sab 2018. Xidigii hore xulka qaranka Masar Mohamed Aboutrika ayaa ka hadlay sida uu ka careysan yahay xaasidnimada Sadio Mané iyo sida uusan ugu ogoleen in Salah uu kubada la wadaago.

Salah ayaa ka qeyb qaatay guushii Liverpool ay ka gaartay Tottenham 2-1 kulankoodii 5-aad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

“Waa suurtogal in weeraryahanka uu fursad raadiyo hal jeer, laakiin Sadio Mané waa calooshiis u shaqeyste 90-ka daqiiqo ee ciyaarta”.

Mohamed Aboutrika ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xiray in tababare Jurgen Klopp uu ugu baaqay inuu hoos u dhigo xaasidnimada Sadio Mané ee ah in naftiisa uu shaqeeyo.

Si kastaba Sadio Mané ayaa la arkayay in kulankii maanta ee Tottenham inuusan inta badan kubadaha u gudbin Mohamed Salah, taasoo dhalisay muran badan ee arintan ku aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close